
Ciidanka Israa’iil ayaa dib u billaabay weerarada ka dhanka ah Shacabka Reer Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza, waxa ay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Dad rayid ah oo dhismo ahaan ka sameysan teendhooyin sida wararku sheegayaan.

Inta badan Dadka dhintay waa Carruur iyo Haween, duqeynta ayaa billaabatay iyada oo aanay jirin wax digniin ah ama dareen ah oo dhinaca Yuhuudda ka timid hasayeeshee waxaa durba billowday dagaalkii dhowaan ay ka nasteen Dadka rayidka ah ee magaalada Gaza.
Warbixintii ugu dambeysay ee Waaxda Caafimaadka Magaalada Gaza ayaa lagu sheegay in dadka dhintay gaarayaan 244 qof isla markaana khasaaraha uu kasii kordhi karo maadaama weerarku uu socdo lagan cabsi qabo in meelo kale uu dagaalka ku fido.
Maraykanka oo hubka iyo garab istaagga ugu xooggan siiya Israa’iil ayaa dhowr jeer usoo jeediyay in ay ku dhinac istaagto qorshaha uu ku salkicinayo Shacabka Degen una gaaro qorshaha uu ka leeyahay oo ah in uu qabsado.
hase ahaatee ilaahay ma dhihin in laga raro shacabka reer falastiis magalada Gaza.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag