
Sida ay sheegeen Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, in ay sabab u noqdeen in uu xirmo garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion , kaddib weeraro joogto oo gantaalo ah oo kooxda ku qaaday garoonkaasi iyo goobaha ku dhaw dhaw.

Afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inuu xiranyahay garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla Telaabiib , waxa uuna caddeeyay in garoonkaasi si joogto ah u weerari doonaan.
Sidoo kale Yaxye Sariic, ayaana u sheegay shirkadaha diyaaradaha in aysan adeegsan karin garoonka Ben Gurion, Asigoo xusay in garoonkaasi uu xiran yahay ayna ka go’an tahay in ay si joogto ah weeraro gantaalo ah ugu qaadaan garoonkaasi, ilaa Israa’iil joojineyso weerarada iyo xayiraada ay ku heyso Gaza ee dalka falastiin.
”Waxaan idin ku wargelinayna laga billaabo waqtigan garoonka Ben Gurion, ma aha mid ammaan ah isku socodkiisa hawada waan weerarreyna, waliba si joogta ah , ma adeegsan kartaan haddii kale waqti kasta waxaa halkaa jooga gantaaladeenna , wuuna ku sii jiri doonaa xaaladan illaa inta uu istaagayo duullaanka Qasa oo xayiraada laga qaadayo.”ayuu yiri Yaxye Sariic .
Hase ahaate lama yaqaano sida ay ka yeelayaan Israail weerarka uga imaanaya xuutiyiinta yamen-
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag