October 7, 2025

Xuutiyiinta Yaman Oo Weerar Ku Qaday Israa”iil Iyo Tel aviv oo laga kala cararay ka dib Gantaal lagu weeraray

Afhayeenka militariga ee kooxda “Ansaar Allah” (Xuutiyiinta), Yahya Saree, ayaa  sheegay  in lala beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv gantaal ballistic ah.

Sidoo kale Afhayeenka militarigaXuutiyiinta  wuxuu xaqiijiyay in la fuliyay howlgal isku dhaf ah  oo lagu qaaday labo bartilmaameed oo hawada ah oo ku yaalla Yafa iyo Xayfa ee la haysto.

Dhinaca kale, maamulka gudaha ee Israa’iil ayaa sheegay in sirdoonka digniinta (sirens) laga maqlay Qudus, Badda Dhimatay, iyo Tel Aviv, kadib marka la ogaaday in gantaal laga soo riday Yaman.

Milatariga Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in ay ku guuleysteen inay ka hortagaan gantaalkaas.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa sheegay in duulimaadyo kusoo jeeday garoonka Ben Gurion ay dib u laabteen kadib markii gantaalka la riday.

Wargeyska Yedioth Ahronoth wuxuu qoray in malaayiin Israa’iiliyiin ah ay u carareen goobaha gabaadka kadib markii gantaalka laga soo riday Yaman.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in burburada  gantaalka difaaca ee Israa’iil ay kusoo dhaceen Daanta Galbeed, mid ka mid ah bur bur kaasina ku    dhacay tuulada Al-Shuyoukh ee woqooyiga Khalil (Hebron). Sawirro la isla dhexmariyay baraha bulshada ayaa muujiyay walxo  loo maleynayo in ay yihiin burburka gantaalka difaaca ee Israa’iil.

Adeegga gurmadka degdega ah ayaa sheegay in qof Israa’iili ah uu ku dhaawacmay isagoo ku sii jeeday meel gabaad ah markii digniinta la maqlay.

Israa’iil ayaa qaati ka taagan weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah garoonka Ben Gurion  kaas oo galay go’doomin buuxda oo cirka ah

Israa’iiloo duqaymo ballaaraan ka geysatay gudaha Yemen waxa ay filaysay in tallaabooyinkani ay wiiqaaan awooddaha Xuutiyiinta amase ugu yaraan cabsi geliyaan balse xaalku waxa uu umuuqdaa mid culus tan kale Maraykankii ay  isku halaynaysana wuu uga baxay oo heshiis gooni ah ayuu la gaaray markii uu arkay xaalka meesha uu marayo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*