January 15, 2026

Xuutiyiinta oo soo riday Diyaarad Basaas ah Oo Laga Leeyahay………….

Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa gantaal u adeegsaday in ay soo ridaan diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka u adeegsato howlaha basaaska, waxaana diyaaradan xilliga lasoo ridayay howlo wax basaasid ah ka waday gobolka Ma’rib.

War kasoo baxay ciidamada Xuutiyiinta Yemen , ayaa lagu sheegay in ay soo rideen diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee nooceedu yahay MQ-9, waxa ayna Xuutiyiinta sheegeen in diyaaradan basaasid sharcidarro ah ka waday gudaha dalkeeda.

“Anagoo ka aargoosanayna duulaanka Mareykanka ee ka dhanka ah dalkeena, difaacyada cirka ayaa si guul ah u soo riday diyaarad aan duuliye lahayn ee MQ-9 Reaper ah, xilli ay howlo cadaawad ah ka waddey hawada Gobolka Ma’rib, iyadoo adeegsaneysa gantaal maxalli ah oo ku habboon,” Ayaa lagu yiri war  kasoo baxay ciidamada difaaca Yemen.

Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaana warka ay soo saareen ku sheegay in diyaaradan ay soo rideen ay noqoneyso tii 16-aad ay soo ridaan xilli ay howlgal basaas ah ka wadeen dalkeeda, waxa ayna ku hanjabeen in ay soo ridi doonaan diyaarad kasta oo kusoo xadgudubta.

Diyaaradan ay soo rideen Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu qiimeeyay lacag gaareysa halkii xabo $33 milyan oo dollar, diyaaradan ayaana la sheegay in ay tahay mid casri ah oo Mareykanka u adeegsado howlaha wax basaasida iyo sidoo kale duqeymaha.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*