October 7, 2025

Xubno sare oo ka tirsan Daacish oo duqaymo lagu dilay

Wararka la helaya ayaa sheegayan in Howgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ay  goordhow ka  fuliyeen goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Xubno sare iyo dagaalamayaal sare oo ka tirsan Daacish ee Buuralayda Caalmiskaad, gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray ISIS.Qiimeyn kadib faahfaahin dhameystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howgalkaan oo ah mid qorsheysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howgalka ka dhanka ah Daacish.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*