
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu soo dhaweyay War-murtiyeedka wadajirka ah ee xubnaha Beesha Caalamiga ah ee ku saabsan wada-tashiga Qaran ee loo dhan yahay, kaasi oo shalay ay ugu baaqeen madaxda dowladda, dowlad goboleedyada iyo hoggaamiyeyaasha Siyaasada.

“Waxaan soo dhaweynaynaa Warmurtiyeedka Wadajirka ah ee ka soo baxay Xubanaha Beesha Caalamka ee ku aadan Wadahadal qaran oo loo dhan yahay.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale xisbiga ayaa Saaxibada Caalamka ugu mahadceliyay taageerada joogtada ah oo ay siiyaan Soomaaliya, ee ku aadan dowlad dhiska, Nabada, Amniga iyo horumarinta Soomaaliya.
Warka Xisbiga ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in madaxda dowladda ay ka dhabeeyaan gogosha wadatashiga ay ku baaqeen.
Shalay Beesha Caalamka ayaa ayaa shuruud uga dhigtay in ay bixiyaan taageera dheeraad ah in Hogaamiyayaasha heer federaal iyo heer maamul goboleed iyo siyaasiyinta kalaba ay si dag dag ah ukulmaan go’aana ka gaaraan arimaha siyaasada sida Dastuurka iyo Doorashooyinka waxaana dhinaca kale ay taageereen dagaalka ka dhanka Al-shabaab.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag