January 15, 2026

Xildhibaan Sheegay in Muqdisho ay Caasimada Somaliya u qalamin Iyo Dood ka dhalatay

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay dood kulul iyo buuq xooggan, kaddib markii Xildhibaan Saadaad, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Puntland, uu hadal muran badan dhaliyay ka jeediyay fGollaha Fadhiga Barlamaanka Somaliya.

Xildhibaan Saadaat ayaa khudbad uu ka jeedinayay kulanka ku sheegay in Muqdisho aanay u qalmin in ay caasimad sii ahaato,taas oo markiiba keentay caro iyo falcelin xooggan oo ka yimid xildhibaannada kale ee fadhiga ku sugnaa.

Xildhibaanka oo hadalka uu ka dhex galay Xildhibaan kale, ayaa ka carooday arrintaas, asagoo sheegay in Muqdisho aysan sii ahaan karin caasimad Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmo ka hor dood ballaaran ay ka dhalatay muran u dhexeeyay laba Senator oo isku maandhaafay lahaanshaha magaalada Muqdisho, taas oo sababtay hadal hayn aad u xooggan oo ka dhex dhalatay bulshada iyo siyaasiyiinta.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa si cad u dalbaday in Xildhibaan Saadaad uu raalligelin ka bixiyo hadalkii uu ku duray caasimadnimada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya midnimada qaranka iyo sharciga dalka u degsan.

Buuqii iyo doodda adkayd ayaa sababay in kulanka Baarlamaanka uu muddo hakad galo ajandihii goluhu ka doodayay, balse ugu dambeyn waxaa lagu guulaystay in xaaladda la dejiyo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*