October 7, 2025

Xildhibaan Mustafa Bakhri Ciidamada Masar: Joogitaanka Soomaaliya waa Sharci, Itoobiya Waxba Kama DhihiKarto

Xildhibaan Mustafa Bakhri oo katirsan Baarlamaanka dalka Masar ayaa sheegay in ka qeybgalka ciidamada Masar ee howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya uu yahay arrin caadi ah oo uu go’aamiyo Midowga Afrika, balse aanay Itoobiya waxba kaga hadli karin.

Xildhibaan Mustafa Bakhri wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ka qaybgalkeeda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya aanu xiriir la lahayn khilaafka biyo-xireenka kala dhaxeeya dalka Itoobiya.

Xildhibaan Bakhri ayaa intaas ku daray in ciidamada Masar ee Soomaaliya imaan doona ay gargaar ku yihiin dowladda Soomaaliya si ay ula dagaallanto kooxaha argagixisada ayna taageeraan xasilloonida.

Sida uu sheegay, joogitaankaasi wuxuu ku imaan doonaa casuumaad ka timaadda Muqdisho iyo oggolaanshaha Midowga Afrika, taas oo siinaysa sharciyad buuxda.

Waxa uu dhaliisha Itoobiya ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo lagu doonayo in xiisadda la kiciyo. Wuxuu xusay in joogitaanka Masar uu ku dhisan yahay heshiisyo sharci ah oo ay Qaahira iyo Muqdisho kala saxeexdeen, isla markaana qayb ka ah qaab-dhismeedka Midowga Afrika.

Xildhibaan Bakhri waxa uu sheegay in Itoobiya aysan dooneynin in Masar door muuqda ka qaadato gobolka, isagoo xusay in suuragal tahay in ciidamada Itoobiya iyo Masar isku dhacaan haddii xaaladdu kacsato.

Dhanka kale Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Didefo, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Soomaaliga ah ee Universal ku sheegay in dalkiisu ka xun yahay qorshaha lagu keenayo ciidamo Masri ah gudaha Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*