
Sida uu bartiisa facebook ah uu ku soo qoray Hon. Mohamed Abukar Islow DualeΒ Β ayaa taageero xoogan u muujiyay ciidanka xooga dalka somaliyeed iyo ciidanka macaawiisleeyda kuwaasi oo shalay cashar lama ilaawaan ah u dhigay alshabaabΒ Β
ππππππππ, ππππ πππ ππππππππ
Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa ciidamada degaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh isaga difaacay weerarradii caddowga Khawaarijta ay kusoo qaadeen qeybo ka mida gobolka Sh/Dhexe.
Waxaan si gaara u hambalyo ugu dirayaa geesiyaaasha ciidamada degaanka Ceel Cali Axmed oo cashar aysan iloobi doonin u dhigay Khawaarijta.
Waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqayaa in Geesiyaashaas la abaalmariyo, intii ka shahiidayna la maamuuso si ay tusaale ugu noqdaan degaanada kale.
Sidoo kale waxaan soo jeedinayaa dib loo abaabulo, lana taakuleeyo Macaawisleyda degaanadooda debacsanaanta ka jirto, isla markaana la dardar geliyo wejigii labaad ee dagaalka Khawaarijta looga saarayo Hirshabelle iyo Galmudug.
Waa in meel la iska dhigaa wixii kale oo dowladda ku mashquulsan tahay, loona midoobaa dagaalka Khawaarijta.
Ilama haboona in la is eedeeyo xilligan ama dano siyaasadeed laga dhex raadiyo dagaalka, balse waa inaan si buuxda u garab istaagnaa ciidamadeena safka hore ku jira ee naftooda huraya.

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag