January 15, 2026

X iriirka Maamullada Somaliland Iyo Puntland Oo Wajiyo kale la soo baxay

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in aay isdhaafsadeen 26 qof oo maxaabiis ah iyadda oo aan Dowlad Federalka ah ku dhex jirin, labadaan maamul  hase ahaatee labada Maamula Waxaa ka dhaxeeyay  colaado dhexmareen dhowr jeer  balse waxa ay hadda u muuqataa in uu xiriirkooda wax iska badaleen.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Cabdi Farah Juxa oo bartiisa Facebook ku shaaciyay isdhaafsiga maxaabiista ayaa xusay in “barri ay ka muhiimsantahay shalay,” taas oo ka dhigan in la iska iloobo wixii horay u soo dhexmaray labada maamul lagana fikero sidii mustaqbalka wax loo wada qabsan lahaa.

 

 sidoo kale  Wasiirka ayaa xusay in la joogo xiligii labadda maamul ee Soomaliland iyo Puntland ay iska kaashan lahaayeen ka hortaga khataraha ka imaanaya kooxaha xagjirka, iyo sidoo kale in ay  iska kaashadaan  Arrimaha Siyaasada..

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku soo dhawaanshaha maamuladaan uu ka yimid aqoonsiga ay dowladda fadereraalku siisay maamulka SSC khaatumo, kaas oo la dareemayo in maamulada Puntland iyo Somaliland labaduba si xoogan ugu caroodeen.

Dadka  ka faalooda Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku taxliilisay isdhaafsiga maxaabiista labadaan maamul, in ay tahay isbahaysi cusub ee ku aadan Siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii ay door muuqda uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada soo socota.

Puntland ayaa hoos u dhac dhanka tirade Xildhibaannada ee dowladda dhexe ku yimid ka dib aqoonsigii SSC-Khaatumo, taas oo waddadu xaari doonta in isbahaysi la galaan Xildhibaannada ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee doorashadooda lagu qabta Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la rumaysan yahay in uu ka mid yahay siyaasiyiinta damca uu kaga jira doorashada madaxtinimo, isaga oo ka mid ahaa 2022 musharaxiintii ugu sarraysay ee u soo gudubtay wareega 2-aad ee doorashada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*