Booliska Ireland (Gardaí) ayaa baaritaan ballaaran ku haya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday xarun lagu hayo carruurta magangalyo-doonka ah oo ku taalla deegaanka Donaghmede ee magaalada Dublin, halkaas oo uu ku dhintay wiil 17-jir ah oo u dhashay Ukraine kadib weerar toorey ah.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Vadym Davydenko, waxaana la xaqiijiyay inuu si halis ah ugu dhaawacmay dagaal tooreyadeysan oo la sheegay inuu ka dhex dhacay isaga iyo wiil kale oo Soomaaliyeed oo isla xaruntaas ku noolaa.
Davydenko ayaa si degdeg ah loola cararay isbitaal balse dhaawacyadii uu qabay darteed ayuu u geeriyooday.
Wararka hordhaca ah ee ay boolisku bixiyeen ayaa muujinaya in dagaalku uu salka ku hayo khilaaf gaar ah oo dhex maray labada dhallinyaro.
Inta lagu guda jiray is-maandhaafka, haweeney ka tirsan shaqaalaha xarunta iyo wiil kale ayaa sidoo kale dhaawacyo fudud soo gaaray, iyadoo xaaladdooda lagu sheegay mid deggan oo aan halis ahayn.
Wiilka Soomaaliyeed ee lagu tuhunsan yahay falka ayaa isna gaaray dhaawac yar, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitaal ay ilaalinayaan ciidamada booliska.
Weli lama shaacin magaciisa sababo la xiriira da’diisa iyo xaaladda baaritaanka oo wali socda.
Afhayeen u hadlay Booliska Ireland ayaa sheegay in la bilaabay baaritaan dhammeystiran oo lagu ogaanayo sababaha keenay falkan foosha xun, wuxuuna intaas ku daray in dadkii goobta ku sugnaa laga qaaday warbixino si loo helo sawir buuxa oo ku saabsan dhacdada.
Dhanka kale, Safaaradda Ukraine ee Dublin ayaa la shaqeyneysa hay’adaha Ireland si loogu fududeeyo dib u celinta maydka Davydenko looguna taageero qoyskiisa tacsi iyo caawimaad sharci ah.
Dhacdadan ayaa si weyn u gilgishay bulshada deegaanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda carruurta magangalyo-doonka ah, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan su’aalo la xiriira amniga xarumaha lagu hayo carruurta aan la socon waalidkood.
Booliska ayaa ku booriyay qof kasta oo hayya xog dheeraad ah in uu la soo xiriiro saldhigga Garda ee Raheny si ay uga caawiyaan baaritaanka socda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag