Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa si cad uga hadlay doodihii xoogganaa ee maalmihii dambe ka socday baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo ku saabsan lahaanshaha caasimadda dalka iyo fasiraadda nidaamka federaalka.

Wasiiru Dowlaha, oo qoraal dheer ku faafiyay boggiisa Facebook, ayaa ku tilmaamay muranka ka taagan caasimadda “mid laga xumaado,” wuxuuna sheegay in nidaamka Federaalka ee Soomaaliya uusan u jeedin kala sooc bulsho, takoor, ama abuurista xuduudo cusub oo dadka Soomaaliyeed u dhexeeya.
Nidaamka Federaalka waxaa loogu talagalay inuu dadka u soo dhoweeyo adeegyada, maamul wanaagga iyo horumarinta bulshada, marnaba looguma talagalin kala saarista ama kala reebida muwaadiniinta,” ayuu yiri Cali Cumar Balcad.
Wasiirka ayaa xusay in muwaadinku xaq u leeyahay inuu si xor ah ugu noolaado, wax uga barto, caafimaad uga helo, shaqo uga raadsado ama ganacsi uga sameeyo gobol kasta oo dalka ka mid ah, isagoo aan la kulmin takoor ku saleysan deegaan ama qabiil.
Sidoo kale wuxuu adkeeyay in Muqdisho ay tahay caasimadda qaranka, isla markaana ay dowladda iyo adeegyada qaranku u siman yihiin muwaadiniinta ku nool Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Somaliland-ba.
Wasiir Cali Cumar Balcad ayaa tusaale u soo qaatay dalalka Federaalka ah ee guuleystay sida Maraykanka, Canada iyo Jarmalka, oo uu sheegay in horumarkooda uu ku dhisan yahay sinnaan iyo mideyn bulsho, Wuxuu ka digay in khilaaf ama kala sooc lagu dhex abuuro nidaam federaal ah uu sababi karo burbur, isaga oo tusaale u soo qaatay Yuguslavia oo ku kala daatay kala irdhow bulsho.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag