October 7, 2025

Wasiiru dowladaha A/Dibada Soomaaliya Cali Balcad”Madaxweyne Guudlawe Shacabka ayuu Isku Diraa ee Ha Joojiyo Dorasho dadban”

Sida uu sheegay Wasiiru dowladaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Balcad in  madaxweynaha Hirshabelle  Ku Howlan yahay in uu qabto Doorasho Dadban Hase ahaatee waxaa ugu digay qabashada doorasho dadban, isagoo ku eedeeyay inuu xiligan ku mashquulsan doorasho dadban oo xiligeeda dhammaatay.

Sidoo kale Waxaa nasiib daro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, iyadoo aan maalin dhawayd arkaynay sawiradda Madaxwaynayaasha Gal-Mudug iyo K/Gabalbeed oo saf ugu jira is diiwaangelinta doorashada qof iyo cod in uu Maamulka HirShsbelle ee Madsxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday ayuu yiri  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibeda Cali Balcad.

 

Dhanka kale  Wasiirka ayaa ku eedeeyay  Madaxweeyne Cali Guudlaawe  in Doorasho ku sheega maanta lagu qabtay degmads Balcad waana arrin Qatar ku ah heshiisyadii ay horay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran  iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran.”

Ugu danbeeyntii Waxaan ugu baaqayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe sida saaxibadiisa Madaxwayne Ahmed Qoor Qoor iyo Madaxwayne Cabdicadiis Laftagareen in uu isku howlo diyaar garowga doorashada uu heshiiskeeda wax ka saxiixay oo aannu ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaaday abuuraysana qilaaf iyo iska hor imaad beelaha nabada ku wadanool. ee ku sugay deeganada nabada ah ,

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*