
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe ballaaran oo lagu dhisayo biyo-mareenno casri ah, si looga hortagayo daadadka iyo biyaha fariista jidadka magaalada Muqdisho xilliyada roobka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu doonayo in lagu xalliyo dhibaatooyin soo jireen ah oo ay shacabka Muqdisho sanado badan ka cabanayeen, kuwaas oo ay kamid tahay biyaha waddooyinka qaar fariista xilliyada roobka.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in mashruucan la bilaabi doono dhawaan, isagoo xusay in uu ka mid yahay mashaariicda horumarineed ee dowladda ay ka hirgelinayso caasimadda si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo bilicda magaalada.
mashruucan oo ay ku baxayso in ka badan 980 milyan oo dollar, ayaa dhaqaalihiisa lagu aruurin doonaa shir Muqdisho ka dhacaya bisha 11-aad, waxaana shirkaas lagu marti-qaadi doonaa hay’ado iyo maalgashadayaal caalami ah sida uu sheegay wasiirku.
Qorshaha ayaa ah in la sameeyo dhuumo casri ah oo biyo-mareen ah, ayadoo laga taxadarayo in dhismaha biyo-mareennadaasi uu saamayn ku yeesha guryaha dhisan iyo waddooyinka magaalada oo ka dul dhisan dhul jilicsan oo bacaad ah.
Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan uu noqon doono mid dhawr waji leh, oo heerkiisa koobaad lagu billaabi doono degmooyinka Xamar jajab, Waaberi, iyo Hodan, balse yoolki uu yahay in la gaarsiiyo dhammaan 20-ka demo ee caasimadda.
Hannaanka biyo-mareennada Muqdisho oo la dhisay xilligii dowladdii kacaanka ayaa howl gab noqday intii lagu jiray burburkii iyo dagaalladii sokeeye, taas oo keentay in biyuhu ay xilli roobaad kasta fariistaan qaar kamid jidadka waaweyn ee caasimadda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag