
Sida uu Sheegay Wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame,in dhawaan maxkamad la soo taagi doono qaar ka mid ah maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacade.

Sidoo kale Maxaabiistan waxay isugu jirtaa labo nooc, saraakiishii hoggaaminta ahayd iyo ciidankii askarta ahaa. Saraakiisha oo ay ku jiraan ragii madaafiicdii Laascaanood ku hagayay waxay mari doonaan maxkamad.
Askarta oo ku dhow hal guuto waa la sii daynayaa, haddii madaxda cusub ee maamulka Somaliland ka laabtaan mabda’ii hore ee Somaliland” ayuu yiri wasiir Najiib Barkhadle oo wareysi bixiyay.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa bishii April ee sanadkan siidaysay dhowr iyo labaatan ka mid ah maxaabiista Somaliland, kuwaas oo qabay duruufo gaar ah, waxaana siidayntooda ka qaybqaatay Ra’iisul Wasaare Xamse.
Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya maxaabiis ka soo jeeda deegaannada SSC-Khaatumo, halka uu siidaayay kuwii ka soo jeeday deegaannada Puntland.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag