October 7, 2025

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay Safiiradda dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan muhiim ah kula qaatay Safiirada dalalka saaxiibada caalamka ee Soomaaliya xiriirka dhow la leh.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib u habeynta Maaliyadda iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Wasiir Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad weyn u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib u habeynta Maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, wuxuuna xusay in dowladda Fedaraalka dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahadceliyay Safiirada uu la kulmay taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Safiirada beesha caalamka ayaa dhankooda ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha iyo casriyeynta hanaanka dakhli uruurinta kadib qorshihii deyn cafinta.

Ugu dambeyntii Safiirada beesha caalamka ayaa Wasiir Biixi u balan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee lagu xaqiijinayo mustaqbal dhaqaale oo waara.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*