
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali ee hoos yimaada degmada Cadale.

Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada ku sugan jiidda hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay geesiyaasha qaranka ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
waxaana ay halkaas ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka iyo istiraatiijiyadda lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee gobolka ku dhuumaaleysanaya.
Dhanka kale Wafdigan oo muujinaya garab istaagga shacabka iyo ciidamada, ayaa ballan qaaday in dagaalka socda ee ka dhanka ah khwaarijta la sii xoojin doono tan iyo inta guud ahaan dalka laga xoreynayo argagixisada.
Si kastaba ha ahaate In ay alshabaab qabsadaan deegaanadaasi waxaa u sahlay maamul xumida ka jirta HirShabelle sida la ogsoonyahay waxaa lagu eedeyaa maamulkaasi in uu ku lug lahaa dagaalada ka dhex dhaca qabiilada degan hiiraan iyo sh/dhexe.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag