October 7, 2025

Wasiirka Difaaca Somaliya Oo digniin adag u dirtay dadka ku sugan deegaanada ALShabaab

Wasiirka Difaaca Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Ayaa bixiyay digniino ku aaddan in dadka rayidka ahi ay ka fogaadaan meel kasta oo kooxaha argagixisada ay ka ag dhow yihiin, si aysan waxyeelo uga soo gaarin duulaanka ku wajahan alshabaab.

Wasiirka Difaaca Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xalay ku celiyay digniintii Dowladda Federaalka ay Khamiistii u jeedisay shacabka.

“Waxaan mar labaad shacabka uga digaynaa inaysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan.” Ayuu Wasiir Jaamac ku sheegay bartiisa Facebook.

Si kastaba ahaatee  Saraakiisha Militariga ayaa gacan ku adkeynaya amniga deegaanadii xorta ahaa, halka gacantana kalena lagu xoreynayo deegaanada galbeedka. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dooneysa in si buuxda looga faa’iideysto taageerada hawada ee saaxiibada Turkiga & Mareyakanka iyo cid kasta oo diyaar u ah in ay Somaliya ka caawiso weerarada xagga cirka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*