R/Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirkii hore Mudane Yuusuf Maxamed Aaden.

R/Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha bulshada. Iyo shaqo abuurka dhallinyarada oo qeyb weyn ka qaadan doona, hormarinta Dhaqaalaha,amniga iyo dib u dhiska.
R/Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag