October 7, 2025

Wasiirka Caafimaadka Kenya oo shaqo Joojin Ku Soo Rogay Isbitaal Lagu Eedeeyay Ka Ganacsiga Xubnaha Dadka

Wasiirka caafimaadka ee Dalka  Kenya, Aadan Ducaale, ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo adeegyadii tallaalidda kilyaha ee ay bixinaysay isbitaalka Mediheal Group, gaar ahaan xaruntiisa magaalada Eldoret.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen tuhunno culus oo la xiriira ka ganacsi sharci darro ah oo xubnaha bini’aadamka ah.

Hay’adda dhiig-shubista iyo tallaalidda Kenya (KBTTS) ayaa sheegtay inay heleen xog muujinaysa suurtogalnimada in tallaalidda kilyaha lagu sameeyay in ka badan 370 kiis, ay ka mid yihiin kuwa lala xiriirinayo falal sharci-darro ah.

Xarunta Eldoret ayaa lagu eedeeyay inay ahayd goobta ugu badan ee lagu fuliyay howlahaas tuhunka leh.

Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay laba mas’uul oo sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, si loo fududeeyo baaritaanno madax-bannaan oo lagu sameynayo kiiskan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la marsiin doono cadaalad cid kasta oo lagu helo dambiyadaas, si loo ilaaliyo sumcadda adeegyada caafimaad ee dalka.

Arrintan ayaa kicisay dareen weyn oo bulshada ka dhex abuuray walaac iyo su’aalo ku saabsan hufnaanta nidaamka tallaalidda iyo ilaalinta xuquuqda bukaannada.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Keenya Waa dowlada ka diyaarsan dhan kasta oo ka war heli karta xogaaan oo kale balse dowlada somaliya Iyo shacabka ay masuul ka tahay ma kawar hayaan Ciladaan laga helay Dalka Keenya waa maya jawabta

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*