October 7, 2025

Wasiirka Batrrolka Somaliya oo shaacisay in horumar weyn ka sameysay sahminta shidaalka dalka

default

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo barnaamijka Shidaal qodista dalka.

Wasiir Daahir Shir oo wareysi siiyay  warbaahinta qaranka ayaa shaaca ka qaaday iney jirto siyaasad cad oo dowladda Soomaaliya ay ka leedahay barnaamijka shidaal qodista dalka iyo sida loo qeybsan karo dheef wadaagga.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya  Wuxuu tilmaamay  in habka Shidaal qodista dalka la raacayo shuruuc wada ogol ah oo ay ku heshiiyeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ay ku qabto dowladda Soomaaliya. 

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in lagu guuleystay sahminta dhul xagga badda ah oo masaafo ahaan gaaraya ilaa 4460, islamarkaana la soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee howlgalka kooxaha sahminta shidaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Wuxuu caddeeyay Wasiirka in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadaalka waqtiga dheer qaatay ee  sahminta Shidaal qodista Soomaaliya iyo xilliga la gudagalayo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

”dhawaan shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doontaan war farxad leh, waxaan horumar weyn ka sameynay sahminta shidaalka dalka oo aan bilaha soo socda si rasmi ah u soo bandhigi doono natiijada laga gaaray” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed. 

Ugu dambeyntii Wasiir Daahir Shire ayaa tilmaamay in qodista Shidaalka ay faa’iido weyn ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay bulshada iney ka fogaadan wararka xanafta leh oo wax u dhimi kara horumarka dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*