
Wasiirka Batroonka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in ay qabaan rajo wanaagsan oo bilaha soo socda lagu soo saari doono Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka baarista Shidaalka marayo meel gabo gabo ah, lana filayo in la falanqeeyo xogta laga soo helay goobaha laga baarey Shidaalka.
“Waxaa rajo wanaagsan ka qabno Natiijo laga helo Howlgalka baarista Shidaalka ee uu wado Markabka Orus Rais ee Turkiga, xilligaan waa markii aan ka faa’iideysan laheyn Kheyraadkeena Dabiiciga ah, waan arki doona Soomaaliya oo horumar gaartay, kana mid ah Ururka Opec” ayuu yiri Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.
Isaga oo sii hadlaya, wasiirka ayaa Dowladda Turkiga ku amaanay doorka ay ka qaadaneyso horumarinta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Yiri Sidaan “Turkiga waa dowladda keliya oo khatar u bareertay, si ay uga qeyb qaadato xallinta caqabadaha Soomaaliya – hadda waxaa ay ka shaqeynayaan soo saarista Shidaalkeena”
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Turkiga caddeeyay in gabogabo marayo howlgalka baarista Shidaalka oo la filayo in saddex gooboob laga soo saaro gudaha Soomaaliya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag