January 16, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Nuqullo ka Mid ah Waraaqadaha Aqoonsiga Danjirinimo ka Guddoomay Safiiro Cusub

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway ,Cuba iyo Spain.

Dhanka kale Wasiirku waxa uu safiirradan ugu hambalyeeyey ku soo biirista safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay matalayaan.

Sidoo kale, waxaa uu  ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan la leeyihiin Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*