October 7, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo gaaray Magaalada Beledweyne

Wafdi balaaran ee uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Jabuuti  Cabduqaadir xuseen Cumar ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Hirshabelle Cabdi Daahir Guure karoore, iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan  Muuse Salaad wehliye, xubna ka tirsan Golayaasha maamulka Hirshabelle, maamulka heer gobal iyo Heer degmo, Saraakiisha ciidamada Qalabka sida, Iyo boqolaal dadweyne oo ka’tirsan Qeeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa garoonka Diyaaradaha ugaas khaliif international ku soo Dhaweeyey Wafdiga Wasiirka.

Wafdiga ayaa salan sharaf ka qaatay Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM ee qeeybta ka ah howlagalka AUSSOM.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa kulamo la qaadan doono Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*