October 7, 2025

Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland oo shaacisay in Khaatumo katirsan tahay maamulkooda

Wararka ayaa Sheegaya in Maamulka Puntland, uu  kahor yimid aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya u fisay maamulka Khaatumo oo loo aqoonsaday dowlad goboleed lamid ah kuwa kale ee dalka ka jira.

War kasoo baxay maamulka Puntland  ayaa sheegay in dhammaan degaannada SSC Khaatumo ka arrimiso ay ka tirsan yihiin dhulka Puntland, oo aysan jirin meel ay kaga baxeen kuna noqdeen maamulka gaar ah oo ka madaxbannaan Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo caddeeyay mowifka dowladda ee jiriraanka maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dhammaan degaannada SSC ay yihiin dhul ka tirsan Puntland, islamarkaana aysan jirin meel ay kaga baxeen, taasi oo ka dhigan in aysan aqoonsanayn maamulka degaannadaasi ka dhisan.

“SSC dastuuriyan waa dhul ka tirsan Puntland meel ay kaga baxday ma jirto. Puntland markii la dhisayay heshiis bulsho ayaa lagu dhisay, waana inta ku qoran dastuurka oo ka kooban dhammaan gobollada Puntland marka ma jirto meel lagu kala baxay dastuurkiina lama furin” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Dhanka kale Maamulka SSC-khaatumo , ayaan wali ka jawaabin hadalkan kasoo yeeray dhinaca Puntland, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay jiray khilaaf hoose oo u dhaxeeyay maamulada dariska ah ee Puntland iyo Khaatumo, waxaana xusid mudan wasiirkan hadlay ee katirsan Puntland in uu deegaan ahaan kasoo jeedo deegaannada Khaatumo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*