
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul u dhaliilay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horay u xirtay agabyo badan oo kooxdaasi isticmaali jirtay, sida qalabka isgaarsiinta iyo badeecooyin gaar ah oo loo adeegsan jiray weerarada.
Sidoo kale Wuxuu Sheegay in wali ay jiraan ganacsato si Toos ah u maalgeliya kooxda, taasoo uu ku tilmaamay khatar weyn oo amniyeed.
“Waana wax laga xumaado in ganacsato Soomaaliyeed ay lacago u geeyaan Al-Shabaab, xilli ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii looga adkaan lahaa kooxdan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.
Wasiirku wuxuu Sheegay in dowladda Somaliya ay diyaarinayso qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku dhuftay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono ganacsatada lagu helo taageerada argagixisada.
Dhanka kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan fal kasta oo gacan siinaya kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag