December 15, 2025

Wasiir Fiqi oo si kulul uga jawaabay aflagaadadiiTrump

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo weerar iyo yasid iskugu jiray oo Madaxweyne Donald Trump kula hadlay shacabka Soomaaliyeed intii uu ka hadlayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Trump oo hadalkiisa ku sheegay in Mareykanku “mar walba qaato dadka kasoo jeeda meelaha musiibada ah sida Soomaaliya”, ayaa ku tilmaamay Somalida “dad wasakh ah, dhib badan, burcad-badeed kaliya yaqaan”. Waxa uu sidoo kale horay Somalida ugu tilmaamay “qashin”, taasoo si weyn caro uga kicisay bulshada Soomaalida gudaha iyo dibaddaba.

Wasiir Fiqi oo u jawaabay Trump isagoo u maraya farriin qoraal ah oo uu u diray wakaaladda Reuters, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu waqti badan gelinayo aflagaado aan waxba tarayn, halkii uu ka qaban lahaa ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka Mareykanka.

“Trump wuxuu ka fiirsan lahaa inuu howshiisa fuliyo, halkii uu ku mashquuli lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirku wuxuu xusay in inkastoo Soomaaliya ay mahadnaq u hayso Mareykanka oo ka caawiyay la dagaallanka Al-Shabaab, hadana uu gebi ahaanba diiddan yahay in lagu tilmaamo hadallada hoos u dhiga kara sharafta dadka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa caalamku ku yaqaan shaqo-jaceyl, adkaysi iyo karti ay kaga gudbaan duruufaha adag,” ayuu yiri wasiirku. “Waxay ka badbaadeen cadowgii isku dayay inuu tirtiro, dhibaateeyo ama yaso – welina way noolyihiin oo way adkeysanayaan.”

Hadallada Trump ayaa soo xoogaystay kadib markii bishii hore lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa National Guard-ka Mareykanka magaalada Washington, fal ay masuuliyaddiisa qaadday qof u dhashay Afghanistan, kaas oo dacwaddiisu socoto. Trump ayaa dhacdadaas u adeegsanaya inuu mar kale ku baaqo joojinta socdaalka dadka kasoo jeeda dalalka saboolka ah.

Trump wuxuu sidoo kale si joogto ah u weeraraa Xildhibaan Ilhan Omar oo asal ahaan Soomaaliyeed, isagoo marar badan ugu baaqay in dalka laga masaafuriyo, inkastoo ay tahay muwaadin Mareykan ah oo sharciyan dalka ku leh.

Hadallada Trump ee Somalida ku saabsan ayaa si baahsan looga cambaareeyay gudaha Soomaaliya iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed, inkastoo dadka qaarkood ay yiraahdeen “wuxuu sheegay run ay dawladuhu qarinayeen”, taas oo muujinaysa sida fikirka Trump uu u kala qaybiyay bulshada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*