October 7, 2025

Wasiir Fiqi “Maalmahaan Soo Socda G/ Sh/ Dhexe dhamaantiis waan ka xureyn doona Khawaariijta”

Wasiirka  Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegaay  in dhawaan kooxda Al-shabaab laga xureyn doono guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiir Fiqi ayaa ugu baaqay ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa xoogga dalka iney u diyaar garoobaan howlgalo kooxda looga xureynaayo dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellahha Dhexe.
“Mardhow gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa dhamaantiis laga xoreyn doonaa Khawaarijta kuwaas oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka, Khawaarijta waxay diidan yihiin nolasha qofka Soomaaliga ah, waxay ka soo horjeedaan horumarka Soomaaliya, dadka qarxinaya Maqaaxi shacab fadhiyaan, hotel shacab leeyahay, waxay cadeyneysa sida ay diidan yihiin nolosha Soomaalida, waana dad Diinta suuban ka aradan.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.
 Sidoo kale Waxa uu  ka hadlay Wasiir Fiqi in kooxdu sababaha ay xoogga u saartay qabsashada deegaanada ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay carqaladeynta horumaro gobolkaas laga hirgalin rabo.

“Khawarijta markey maqleen in Cadale laga hirgalinayo xarun Dayax Gacmeed, lagana dhisayo Garoon diyaaradeed, sido kalana sahmin lagu bilaabay Shidaalka waxay xoogga soo saareen qabashada deegaanada gobolkaas, iyagoo diidan in wax horumar ah la sameeyo, lakiin mardhaw dhaamaan deegaanada gobolkaas iyo guud ahaan dalka wan ka xureyneyna”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka Macawiisleeyda ka gaareen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay dagaalka dalka looga xureynaayo Ururka Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*