October 8, 2025

Wasiir Balcad “Hishiiska Somaliya Iyo Mareeykanka Waa Mid Dib Loo Cusbooneeysiiyay”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar Cali Balcad ayaa  Wareysi uu siiyay TV TRT  ee laga leeyahay dalka Turkiga    ayaa uu sheegay in Soomaaliya ay u soo bandhigtay dalka Mareykanka dib u cusboonaysiinta heshiis dhanka difaaca ah oo ay kala saxiixdeen dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka Sanaddii 1980-kii,

 

 

Wasiir Balcad ayaa sheegay in cusbooneysiinta heshiiskaas uu dalka Mareykanka siinaayo in ay helaan Saddex dekedood oo waa-weyn oo ay u isticmaali karaan Cirka iyo badda Soomaaliya,  kuwaasi oo ku kala yaalla magaalooyinka Berbera, Kismaayo iyo Muqdisho.

 

Waxaan diyaar unahay in ay Ciidamada Mareykanka isticmaalan Dekedaha iyo garoomada sadexda magaalo wixii kale oo ay nooga baahdaana diyaar ayaan ula nahay” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya Cali Balcad.

Sidoo kale   Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya     Cali Balcad ayaa sheegay in Mareykanka ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, islamarkaana ay Soomaaliya ay heli doono taageero weyn, si loo wiiqo awooda kooxaha Argagixisada

Wareysi uu bixiyay wasiiru dowlaha ayaa imaanaya, xili dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay warqad u dirtay dalka Mareykanka 16-ka bisha Maarso ee sanadkan 2025, taasoo ay ku wer-gelisay in ay diyaar u tahay in dalka Mareykanka ay siinayso Saldhigga Ciidan iyo dekad ay isticmaalaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*