
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Hoosh, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka maamul dhiska dowlad goboleedka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale Xubnaha guddiga farsamo ee ka shaqeenaya maamul dhiska SSC Khaatumo ayaa ka kooban 8-xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Axmednuur Maxamed Cabdi halka kuxigeen looga dhigay Cabdinaasir Xaaji Maxamed.
Dhanka kale Guddigan dowladda Soomaaliya magacawday , ayaa ka shaqeenaya dardagelinta iyo dhamestirka maamul goboleedka SSC , waxa ayna guddigan si toos u hoos tagayaan Wasaaradda Arrumaha Gudaha oo lala wadaagato marxaladaha maamul dhiska SSC Khaatumo. Inkastoo uu sii dhamaanayo waqtigii kumeel gaarka ahaa
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag