October 7, 2025

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo digniin u dirtay Ganacsatada Shidaalka keenta Soomaaliya

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay ganacsatada dalka keenta shidaalka, iyada oo ku wargelisay in la fulinayo dhaqan-gelinta Xeer-nidaamiyaha Dareeraha-hoosaadka Batroolka (Downstream Petroleum Regulation).

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Batroolka,  Daahir Shire Maxamed, ayaa lagu sheegay in dhammaan ganacsatada, maareeyeyaasha dekadaha, iyo hay’adaha la xiriira lagu wargelinayo in ay si buuxda u waafajiyaan howlahooda Xeerkan cusub, kaas oo tirsigiisu yahay Lr.120, laguna dhaqan-geliyay dalka 30-kii Maarso, 2023.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Xeerkan uu muhiim u yahay nidaaminta suuqyada shidaalka, ilaalinta tayada batroolka, iyo xaqiijinta badbaadada deegaanka iyo bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, wasaaradda waxay tilmaamtay in Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed ay si dhow ula socon doonto tayada shidaalka la keeno, iyadoo la adeegsanayo habraacyo iyo shuruuc cusub.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo hay’adaha kale ee arrintan khuseeya in ay si degdeg ah uga qeybqaataan dhaqan-gelinta Xeerkan, si looga fogaado cawaaqib xumo iyo tallaabo sharciyeed oo laga qaado cidii aan u hoggaansamin.

 

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*