January 15, 2026

Wasaarada Gaashadhiga Somaliya ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka danab oo maanta  gaaray caasimadda Waqooyi bari ee Laasacaanood.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Gen. Jimcaale, kana soo ruqaansaday magaalada Garoowe, ayaa soo gaaray Laascaanood.

Cutubyadan ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda amniga guud iyo u diyaargarowga soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo lagu wado in ay gaaraan caasimadda Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Laascaanood.

 

Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha iyo maamulka Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*