October 7, 2025

Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya oo war ka soo saartay howlgalka cusub ee AUSSOM

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowlada  Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalka cusub ee AUSSOM

Sida ay wasaarada Gaashaandhiga sheegtay Waxa ay ugu horeyn u mahadcelisay Guddiga isku xirka howlaha Soomaaliya ee Midowga Afrika.

Waxaana ay cadeysay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegtay hoggaaminta qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay in uu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dalalka ay ka socdaan ciidamada AUSSOM, halka wada-hawlgalayaasha ay ka socdaan ciidamada ka qeyb gelaya howlgalka ay dowladda federaalka u xaqiijiyeen taageeradooda geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

Ugu danbeeyntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga mahad-naqday naf-hurnimadii ay Ciidamada Midowga Afrika u muujiyeen, gaar ahaan howlgalladii AMISOM iyo ATMIS oo dalka ka howlgelaayey 17-kii sano ee la soo dhaafay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*