October 7, 2025

Wasaarada arrimaha dibada Somaliya oo u yeertay safiirka Itoobiya u jooga somaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u yeertay danjirayah Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe si ay su’aalo uga weydiiso hadal kasoo yeeray oo dhaliyay hadal hayn kala duwan.

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya oo shaki geliyay waxqabadka laga filanayo Ciidamada Jamhuuriyadda Carabta Masar ee ku biiray howlgalka Midowga Afrika AUSSOM ayaa wax laga weydiiyey arrintaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Dedefo ayaa meel fog ka istaagay waxyaabaha wanaagsan ee laga rajaynayo ciidamada Masar ee Soomaaliya ka billaabaya howlgalka iyaga oo xiran sumadda Midowga Afrika isla markaana fasax ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Safiirka dowladda Itoobiya ee Somalia Suleiman Dedefo Woshe, ayaa waraysi uu bixiyey kaga hadlay khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Masar, arrimaha biyo xireenka iyo ciidamada Masaarida ee la geynayo qaybo ka mid ah Somalia.

Danjire Suleiman Dedefo Woshe, ayaa ugu sheegay in ciidamada Masar ee imaanaya Somalia aysan gacan ka geysan doonin xasilinta Soomaaliya hase-yeeshee ay wataan ajandayaal siyaasadeed.

“Ciidanka Masar gacan kama geysan doonaan caqabadaha amni ee Soomaaliya; haddii ay cid wax u tarayaan Falastiin, Liibiya iyo Suudaan oo daris la ah ayey wax u tari lahaayeen”.” Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya”, ayaa sidaa yiri.

Dhanka kalena, Safiirka ayaa waxa uu sheegay in Masar wiiqayso horumarka dalkiisa, “Diidmada masar ee biyo xireenka waa arrimo siyaasadeed waana Mowqif ka dhan ah horumarka Ethiopia”.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*