October 7, 2025

Wafdi hor u dhac u ah RW Xamsa oo gaaray Magaalada Laascaanood SSC

Wararkii ugu danbeeyay ee Khaatumo ayaa sheegaya inay magaalada Laascaanood ay gaareen ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hordhac ah, iyadoo la filayo inuu Ra’iisal wasaaruhu halkaas gaaro.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Somaliland ay si weyn uga hor yimaadeen tegista Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Mamulka Puntland ayaan ku faraxsaneyn socdaalkan. R/Wasaaraha Somaliya Mudane Xamza Cabdi Bare.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ilaalada xafiiska RW ay la wareegeen goobaha uu tagi doono R/Wasaare Xamsa.

 

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*