October 7, 2025

Wafdi Ciyaartooy Caan ah Oo maanta Muqdisho Soo gaaray

 

 magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Waxaa soo gaaray saddex ciyaaryahan hore oo caan ka ahaa kubadda cagta adduunka , gaar ahaan qaarada Afrika, kuwaa oo markii ugu horreeyay cagta soo dhigay Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, ciyaartoy iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayaa ciyaarytoydan caanka ah maanta kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Xiddigaha caanka ah ee maanta soo gaaray Muqdisho ayaa kala ah Samuel Eto’o, oo hore u ahaa xiddigii kooxda Barcelona iyo Qaranka Cameron, isla markaana hadda ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon,

Xidiga Jay-Jay Okocha, oo halyeey u ah xulka Qaranka Nigeria, iyo Emmanuel Adebayor oo horay u ahaa weeraryahanka xulka Qaranka Togo.

Ciyaartoydan hore ayaa booqan doona garoonka kubadda cagta ee Stadiom Muqdisho, waxa ayna ka qeyb gali doonaan kulan ciyaareed ay la yeelanayaan qaar kamid ah xidigii hore ee qaranka Soomaaliya iyo rag caan ka ah baraha bulshada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*