
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fidiyay gogol wadatashi Qaran ah oo looga arrinsanayo xaaladda dalka, waxaana inta badan gogoshaaasi si shuruud la’aan ah usoo dhaweeyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Xasan Sheekh hoggaamiyo.

Gogoshan Madaxweynaha fidiyay ayaana lagu martiqaaday saamileysa siyaasadda Soomaaliya, iyadoona wali la caddeyn cidda ah saamileyda , waxaana gogoshan horey ugu baaqay Madxaweynaha in uu fidiyo siyaasiyiin mucaarad ah, si looga arrinsado dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xaalado kale.
wararka laga heleyno Villa Somaliya ayaa sheegayaan in falanqeyn kuwadaan cidda lagu casuumayo gogashan Madaxweynaha fidiyay, si aysan u noqon gogosha mid iska furan oo ay kasoo qeyb galaan cid kasta oo daneeneysa siyaasadda dalkeenna .
Sida aan xogta ku heleyno gogoshan ayaa Villa Soomaaliya qorsheeneysa in lagu casuumo kana soo qeyb galaan Madaxda mamaul goboleedyada dalka ka jira iyo sidoo kale madax hore oo dalka kasoo noqday Madaxweynayaal, Ra’isul Wasaarayaal iyo kuwa kale oo xilal muhiim ah soo qabtay.
Sidoo kale Waxaan wali la ogeyn Villa Soomaaliya in shirkan ku casuumi doonto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne, horeyna usoo saartay waaran soo qabasho ah, waxa uuna Axmed Madoobe kamid yahay xubnaha soo dhaweeyay shirkan Madaxweynaha ku baaqay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag