
Wararka laga Helayo Gudaha Siriya ayaa sheegay Dagaalamayaal ka tirsan ururka Xisbullah ay gudaha u galay Suuriya , iyagoo saddex askari oo ka tirsan ciidanka Suuriya ku dilay weerar ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Xumus, sida ay werisay Al Jazeera oo xiganaysa wasaaradda difaaca Suuriya.

Dhanka kale Waa weerarkii u horreyay oo ay Xisbullah ka gaysanayso gudaha Suuriya , tan iyo markii xukunka laga tuuray nidaamka Bashaar Al-assad
Si kastaba ha ahaatee Weerarkani wuxuu ku soo aadday xilli dawladda Suuriya ay ku guuleysatay dadaalladii xal u helida khilaafaadka gudaha , kaddib markii nidaamka Dimishiq uu heshiisyo la gaaray maamullada gobollada ee ay degganyihiin bulshada kala duwan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag