
Kulan ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Ururadda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalada dalka iyo kaalinta bulshada rayidka ay ka qaadan karto xalinta dhibaatooyinka taagan.

War-saxaafadeed ay soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayay kaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin Xasalloonida Siyaasadeed, Arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda Amniga.
“Bulshadda Rayidka waxa ay welwel ka qabtaa in kala fogaanshaha hoggaamiyaasha siyaasada ay sii xoojin karto faragelinta wadamada shisheeye ee danaha gaarka ka leh dalkeena taas oo sii dhereyn karta geedi socdka dhismaha dowladnimada” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Qoraalka oo sii socda ayaa waxaa lagu yiri “Bulshadda Rayidka waxa ay aaminsatahay in wada hadalada hogaamiyaasha siyaasada ay tahay waajib isla markaasna lagama maarmaan u ah midnimada shacabka, xasiloonida dalka, xoojinta dadaallada amniga iyo nabadgelyada”
Sidoo kale, Bayaanka waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, iyaga oo tilmaamay in aan lagu laaban karin nidaamkii lagu qabtay doorashooyinkii dhacay sanadihii 2021-2022.
Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gaba gabeeyay baaq loo diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaasi oo la xiriira in ay ka wada shaqeeyaan sugida Amniga guud ee dalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag