October 7, 2025

Taliyihii Nabad Sugida Doolow iyo askartiisa oo laga soo masaafuriyay Gedo

Taliyihio Nabad Sugida degmada Doolow Shiikhaaloow iyo kudhowaad 20 askari oo uu watay ayaa shalay kasoo dagay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kadib markii ciidanka Itoobiyaanka ee Gedo ku sugan amreen iney deg deg ugaga baxaan magaalada Doolow.

Sarkaalkan iyo askarta la timid ayaa ahaa kuwii habeen kahor saacado badan Doolow kula dagaalamay ciidanka taabacsan Jubaland ee uu watay Gudoomiyaha Doolow Lafeey iyo askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ee magaaladaasi ku sugan.

In laga soo masaafuriyo Doolow sarkaalkan iyo askartiisa ayaa timid wada hadal dhexmartay Odayaasha deegaanka iyo saraakiisha ciidanka Itoobiyaanka ah ee afduub ahaanta u kaxeystau ciidanka NISA, waxeyna sii deysmadooda shuruud uga dhigeen iney gabi ahaanba ka baxaan degmada Doolow.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*