October 27, 2025

Taliye Cabdi rashiid Janan iyo Gudoomiyaha gobolka Gedo oo looga yeeray magaalada Muqdisho

Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Gedo, Cabdirashiid Cabdi Nuur, ayaa maanta usoo ambabaxay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmi doono masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in safarka Taliyaha uu la xiriira kulamo farsamo oo hordhac u ah wadahadallo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kuwaas oo lagu doonayo in xal laga gaaro muranka madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale Waxaa horey magaalada Muqdisho ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka, Cabdullaahi Cabdi Jaamac “Shimbir”, kaas oo  qeyb ka ah latashiyada wadahadalka la doonayo in lala furo mar kale Jubaland.

Gudiyadan la filayo in la magacaabo ayaa noqon doona kuwo diyaariya ajandayaasha iyo habraacyada wadahadallada mustaqbalka ee u dhexeeya Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo kalsoonida siyaasadeed ee labada dhinac.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in socdaalka Taliyaha iyo kulamada socda ay yihiin tallaabo cusub oo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnayd gobolka Gedo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*