October 7, 2025

Taliye Asad Oo Kormeeray Saldhigyada Booliska iyo Suuqyada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xalay kormeer shaqo ku sameeyay saldhigyada iyo baraha koontarool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka ciidamada, isagoo la kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan goobaha hubinta, si uu u qiimeeyo diyaar-garowgooda amni.

Sidoo kale, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa booqday suuqyada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay ganacsatada iyo bulshada ka shaqeysa goobaha ganacsiga habeenkii. Wuxuu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladooda amni iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, taliyaha ayaa bulshada ku boorriyay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska si loo adkeeyo amniga caasimadda, loogana hortago falalka amni-darro.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay xoojin doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, si muwaadiniintu u helaan jawi ammaan ah oo ay ku ganacsadaan una fushadaan nolol-maalmeedkooda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*