Waxaa Degmada Masaajid Cali Gaduud Gaary Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayadoo laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa halkaasi u tagay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaa uu la kulamay saraakiisha Cidanka iyo askarta ka tirsan cidiamada xoogga ee ku sugan degmada Masaajid Cali gaduud.
Sida uu sheegay Jeneraal Sahal Cabdullaahi ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab ayagoo halkaasi ku suganaa In Mudo ah.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ciidamada ku sugan jiida hore dagaalka waxaa uu sheegay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, inta laga saarayo guud ahaan dalka.
Dhanka kale Safarka uu taliyaha Ciidanka Dhulka uu ku tagay deegaanka ayaa imaanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag