October 7, 2025

Taliyaha Boliska oo hoggaan cusub howlgeliyay iyo Guddomiyaha G/Banadir Oo Bixiyay Warqada Fasaxa

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, 34 sanno kaddib  dib u howlgeliyey hoggaankii dhismaha ciidanka booliiska oo qaabilsanaa hirgelinta dhismayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan Dalka.

G/le Sare Axmed Xusseen Maxamed ayaa loo  magacaabay dhawaan hoggaanka dhismaha, waxaana markiiba uu ka howlgalay diyaarinta qorshaha uu hogaankan ku howlgalayo, isagoo kaashanaya khubaro uu taliyuhu u xushay dib u howlgelinta shaqadii uu dowladda u hayey Hogaankani , si markale dib loogu howlgeliyo awoodii uu u lahaa hirgelinta dhismahayaasha dowladda .

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir, ayaa taliyaha guddoonsiiyey ruqsadda uu gobalka Banaadir uu hoggaanka dhismaha uga howlgeli karo si uu doorkiisa uga qaato hirgelinta dhismayaasha iyo dib u habeynta xarumaha loogu adeego bulshada ee gobalka Banaadir ku yaala.

Dib u howlgelinta hoggaanka dhismaha, ayaa soo celinaya nidaamka dowladmimo ee dhinaca dhismayaasha dowliga iyo awoodii uu hogaankaasi ulahaa fulinta adeegyadaasi, waxa uuna sanadihii lasoo dhaafay hoggaankan ahaa mid magac ahaan kaliya u jiray.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*