October 7, 2025

Taliska NISA Oo Yiri”Howlgal ayaan Ku Dilnay xubno ka tirsan AS iyo Gaadiidkoodii laga burburiyay”

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in  howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo u dhow deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarijiyay ilaa toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.

“Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka Deegaanka Buulo xoog”ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Sidoo kale Taliska NISA ayaa qoraalkooda intaasi ku daray “Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday ayaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddeymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta.”.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawirrada iyo magacyada xubnaha laga dilay maleeshiyaadka Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*