
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyey gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.”Ayaa lagu yiri qoraalka.
“Howlgalka gobolka Galgaduud: Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ka dib markii la helay xog ku saabsan maleeshiyaad Khawaarij ah oo halkaasi lagu abaabulayay.”ayaa la sii raaciyay Warka NISA.
Bayaanka NISA ayaa lagu soo gabagabeeyay “Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose: In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad cadowgu ku urursanayey tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.”.
Taliska NISA ma soo bandhigay sawirada xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegtay in ay duqeyn ku dishay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag