October 7, 2025

Taliska NISA Oo Sheegtay in ay duqeyn ku dileeay madaxii qaraxyada Shabaab ee Banaadir iyo Sh.hoose

Taliska Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xalay howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge Farxaan Cusman Xasan oo loo yaqaannay Jacfar Karuur, kaas oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ee al Shabaab iyo Horjooge Axmed Gumaar oo isna ahaa Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalkan oo ay Hay’adda NISA fulisay kadib markii ay hubisay xogta Horjoogeyaashan ayaa sidoo kale, waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada Horjooge iyada oo la xaqiijiyay dhimashada dhammaan xubnihii Shabaab ee la duqeeyay.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*