October 7, 2025

Taliska NISA oo sheegay in ka badan 41 xubnood Shabaab ah lagu dilay Howlgal gaar ah

Taliska Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA  Iyo Taliska Ciidamada  Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyey deegaanka Boos-Hareeri ee gobolka Sh/Dhexe iyo deegaanka Jambaluul gobolka Sh/Hoose .

Waxaana ay Howlgalkaasi Ku dileen 41 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Howlgal duqeynta ah ayaa iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA iyo Ciidamada Xoogga .

Howlgalladan ayaa shalay billowday ilaa iyo haddana socda waxaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay argagixisada.

Dhanka kale Hay’adda NISA waxay dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*