October 7, 2025

Taliska Mareykanka oo sheegay in Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen G/S/ Hoose

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in ayaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelada hoose, 19 bisha.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynba lala beegsaday godad ay Al-Shabaab ay laheyd deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska AFRICOM oo ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda al-Shabaab ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro halis ku ah Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniintiisa ee gudaha iyo dibadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale AFRICOM ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo sidoo kale shaacin in dad rayid ay wax ku noqdeen duqeynta.

Washington ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale tababar iyo taageero ay siisaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ka dhacayay duqeymo lala beegsanayay maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*