October 7, 2025

Taliska Ciidanka Midowga Afrika Somaliya oo war kasoo saarey dagaalka Sabiid iyo Caanoole

Maalintii Shalay  kooxda  Al-Shabaab  ayaa isku dayay iney weerar ku qaadaan xeryaha ciidanka Midowga Afrika ee taageerada Soomaaliya (AUSSOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Sabiid iyo Caanoole, oo ku yaalla koonfur-galbeed Muqdisho.

 

Ciidamada isbahaysiga ayaa si dhaqso leh uga jawaabay weerarka, waxaana ku guuleystay iney argagixisada ka celiyaan goobta, iyagoo khasaaro xooggan gaarsiiyey. Inta lagu guda jiray dagaalka, dagaalyahanno badan ayaa la dilay, qaar kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, halka qaar kale ay baxsadeen. Ciidamada ayaa sidoo kale qabtay hub iyo rasaas ka soo baxsaday dagaalyahanada.

Xeryaha la weeraray ayaa bishii Juun laga xoreeyey Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay weli gacanta ku hayaan. Howlgallo ciidan oo waaweyn ayaa hadda socda si loo raadiyo loona qabto xubnaha kooxda argagixisada iyo taageerayaashooda.

Ciidamada AUSSOM ayaa shacabka Sabiid-Caanoole iyo deegaanada ku dhow ku booriyay inay ammaan iyo nabad ku sugnaadaan, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalada ciidanka ay sii xoogeysanayaan si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee gobolka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*